Gabileynewsonline.com
Sekeriya Axmed Muxumed Oo Loo Doortay Guddoomiyaha SOLJA
December 31, 2020 - Written by admin
    

SHIweynihii todobaad ee ururka suxufiyiint Somaliland ee SOLJA oo muddo laba maalmood ah ka socday magaaladda Hargaysa ayaa maanta la soo gebagabeeyay.

Waxaana shirweynahaasi lagu doortay guddoomiyaha ururka, guddoomiye ku-xigeenka iyo xoghayaha guud.

Sidoo kale waxaa shirkaasi lagu doortay 15-ka xubnood ee golaha fulinta ururka SOLJA.

Guddoomiyaha waxaa loo doortay Sekeriye Axmed Muxumed, halka guddoomiye ku-xigeenkana loo doortay C/laahi Xuseen Darwiish.

Sidoo kale waxaa xoghayaha guud loo doortay Maxamed Axmed Muuse (kuraase).

Geesta kale Sekeriye Axmed Muxumed, guddoomiyaha cusub ee SOLJA ee saddexda sanadood ee soo socda ayaa ah aqoon yahan heerkiisa waxbarasho gaadhsiisan yahay Master.

Isagoona muddo dheer ka soo shaqayanayay warbaahinta dawladda Somaliland gaar ahaana idaacadda Radio Hargeisa oo uu hadda ka hayay xilka isuduwaha barnaamijyadda.

Waxaanu noqonayaa guddoomiyihii ugu aqoonta sareeyay ee guddoomiye ka noqda ururka SOLJA.

Dhinaca kale waxaa jira weriyeyaal tiro badan oo qaadacay in ay shirkaasi ka qayb galaan.
Kuwaasoo ku eedeeyay wasiirka warfaafinta Somaliland inuu gacanta kula jiro maamulka shirkaasi.

Wasiirka warfaafinta ayaa shalay furay shirka uu sheegay in aanay wasaaradu wax saamayn ah ku lahayn shirka.

Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa la aasaasay sanadkii 1997-kii.

COMMENTS
Latest News