Gabileynewsonline.com
isbiga RPP oo Go’aamiyay In Madaxweyne Geele Markale Isku Soo Taago Doorashada Madaxtinimada
January 9, 2021 - Written by admin

Xisbiga RPP oo Go’aamiyay In Madaxweyne Geele Markale Isku Soo Taago Doorashada Madaxtinimada

0
727
    

Djibouti (Hargeisa Press) — Xisbiga talada dalka Jabuuti haya ee RPP ayaa yeeshay shirweynahoodii sanadlaha ahaa.

Waxaana shirka xisbiga RPP ka qaybgalay Guddoomiyaha xisbigaasi Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, Guddoomiye ku xigeenka, xoghayaha fulinta, gudida joogtada iyo taageerayaasha xisbigaasi.

Shirweynahan ayaa waxaa uu xisbigu diirada ku saaray musharaxa uga qaybgalaya doorashada madaxtinimo ee dalkaasi.

Xisbiga RPP ayaana go’aamiyay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele markii shanaad isku soo taago doorashada madaxtinimada.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jabuuti oo madasha shirka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in uu aqbalay Codsiga xisbiga iyo gudida fulinta ee ah in uu markale isu sharaxo xilka madaxtinimada.

Madaxweyne Geelle ayaa markii shanaad u taagan xilka, iyadoo markii afaraad ee uu ku guuleystay xilka ay aheyd bishii April sanadkii 2016.

Ismaaciil Cumar geelle ayaa xilka loo doortay 9 bishii April 1999, waxaana uu xukunka hayaa muddo 21 sano ah.

COMMENTS
Latest News