Wasiir Ku-Xigeenkii Hore Ee Warfaafinta Somaliland Oo Geeriyootay
January 16, 2021 - Written by admin
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa tacsi u diray Alle ha u naxariistee marxuumad Shukri Xariir Ismaaciil, oo maanta magaaladda Hargaysa ku geeriyooday.
Madaxweynuhu isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, siyaasiyiinta, bahda saxaafadda, haweenka, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaraddaha Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta iyo shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska Marxuumad Shukri Xariir Ismaaciil oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 16-01-2021, caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Madaxweynuhu wuxuu marxuumada ku sifeeyey marwo ka baxday dalka iyo dadkaba, door muhiimana ka soo qaadatay dhismaha warbaahinta, arrimaha bulshada iyo dalkaba, tusaalena u ahayd haweenka siyaasada daneeya.