Gabileynewsonline.com
Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Gudoomay Musharixiinta Xamse Khayre Iyo C/naasir Haaruun
January 19, 2021 - Written by admin
:

Odayaasha dhaqanka, Ganacsatada iyo aqoon-Yahanka Beesha deegaanka Wajaale ee Gobolka Gabiley oo ay Weheliyaan Musharax Xamse Cabdiraxmaan Khayre iyo Musharax Eng. C/naasir Haaruun Warsame  ayaa Maanta kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxa’ed Cabdillaahi ‘Cirro’. Kulankan ayaa la iskula qaatay in labadan Musharax ay Xisbiga Wadani iska soo sharaxaan. Waxaanu kulankani ka qabsoomay Guriga uu Hargeysa ka dagan yahay Guddoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ‘Cabdiraxmaan Cirro’

Sidoo kale waxa kulankan goobjoog ahaa Xildhibaan Dhagjar oo ahaa xildhibaankii hore ee Beesha ugu jiray Golaha Deegaanka degmada Gabiley ahaana Xildhibaankii ugu codka badnaa sanadkii 2012-kii  guud ahaan degmada iyo Xisbiga Waddani labadaba.

Aqoonyahan Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa u sharaxan xildhibaanada Golaha Wakiilada S/land ee gobolka maroodi jeex

Sidoo kale, Musharax Eng. Cabdinaasir Haaruun Warsame ayaa u sharaxan Golaha Deegaanka ee Degmada Gabiley.

Saxafi Siciid khadar

Hargaysa somaliland

COMMENTS
Latest News