Gabileynewsonline.com
Kulan Duco iyo Baroor-diiq Ah oo Hargeysa Loogu Sameeyay Marxuumad Shugri Xariir
January 19, 2021 - Written by admin
    

Ururka Gabdhaha Suxufiyiinta ah ee Somaliland ee WIJA, ayaa Kulan Duco iyo Baroor-diiq ah Hargeysa ugu Sameeyey Allaah ha u naxariistii Shugri Xariir Ismaaciil oo ahayd Suxufiyaddii ugu horreysay ee Radio Hargeysa ka hadasha, iyadoona ay Xilal ka soo qabatay Xukuumadaha Somaliland.

Shukri Xariir Ismaaciil waxay idaacadda Radio Hargeysa ka daadihin jirtay barnaamijyo dhowr ah oo ay ka mid ahaayen barnaamijka dalabaadka, Ila Tali Walaal codka haweeenka iyo barnaamji lagaga hadli jiray hiddaha iyo dhaqanka.

Allaha u naxariistee Shukri waxay ku soo biirtay warbaahinta horaantii sanadkii 1978-dii.

Shukri Xariir Ismaaciil ayaana siyaasadda ka gaadhay wasiir ku xigeen oo ay ka soo noqotay laba wasaaradood oo kala ah wasaaradda Warfaafinta iyo wasaaradda Shaqada ayaa sidoo kale aad loogu yaqaanay arrimaha bulshada gaar ahaanna arrimaha haweenka iyo u doodidda dadka danyarta ah oo ay kaalin muhiim ah ka soo qaadatay.

COMMENTS
Latest News