Published:

Xuska Dheemintii Nabi Muxammad (N.N.K.H)
Xuska Dheemintii Nabi Muxammad (N.N.K.H)
    

Waxaa maanta magaaladda Hargeysa lagu qabtay munaasibad lagu Xusayay maalinta Micraajka Rasuulka (Scw) oo ahayd Maalintii Nabi Muxammad loo Dheelmiyey Samada sarre halkaas oo uu nabigu kula kulmay ILLAAHEY, kadibna Nabiga lagu soo amary in umaddiisa islaamka ah ay waajib ku tahay inay tukadaan salaadaha shanta wakhti.

Xuskan Maalintii Dheeminta Nabi Muxammad loo sameeyay waxaa ka soo qayb galay Culimaa’udiinka ugu waweyn dalka, dhallinyaro, ku soo labisatay Shulugyo cad-cad iyo cumaamad  ay jeeni-qarteen ayaa qaarkood waxaa ay  ku luuqaynayay qasaa’id aad u macaan oo soo jiitay dhammaan dadkii ka soo qayb galay Xuskan.

Micraajka xuska Nabiga waxaa ugu horeyn hadal qoto dheer oo ah Siiradii Rasuulka (Scw) ka jeediyay Sheikh Yuusuf Cabdi Xoore.

Waxaa iyaguna qudbado kala duwan halkaasi ka jeediyay culimadii ka soo qayb gashay xuska Micraajka Nabigeena Subaan (SCW).

Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka golaha Wakiillada Axmed Yaasin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa ka waramay faa’iidada ay leedahay in ummada Islaamku ay barato maalinta Micraajka.

News Related