Gabileynewsonline.com
Ciidamada Booliiska Somaliland oo Xabsiga Dhigay Wariye Aadan Cabdi Ciidle
April 14, 2021 - Written by admin
    

Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Wariye Aadan Cabdi Ciidle oo mudo dheer ku soo jiray Warbaahinta dalka.

Ciidamada Booliiska ayaana xalay abaaro 2 habeenimo wariye Aadan Cabdi Ciidle ka qabtay magaalada Hargaysa.

Aadan Cabdi Ciidle oo muddooyinkii u danbeeyay ka hadli jiray bogiisa Facebook, ayaa saraakiil ka tirsan xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay iyagu ka eryeen shaqooyinkii uu ka hayay warbaahinta.

Sidoo kale, wariye Aadan Cabdi Ciidle muuqaal kale oo uu bogiisa soo galiyay ayuu ku sheegay in guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Baqdaadi uu warqad waran xidhitaan ah u soo goostay isla markaan ciidamada boolisku raadinayan.

Wariye Aadan Cabdi Ciidle muu sheegin sababta ka danbaysa in guddoomiyaha baanku warqad maxkamadeed oo xidhitaana u soo goosto.

Ilaa iyo hada ma jirto cid ka tirsan xukuumada Somaliland oo ka hadashay xadhiga wariye Aadan Cabdi Ciidle.

COMMENTS
Latest News