Gabileynewsonline.com
Sarakiil iyo Ciidan Ka Soo Goostay Maamulka Puntland oo Somaliland Isu Soo Dhiibay
April 14, 2021 - Written by admin
    

Saraakiil iyo ciidan ka soo goostay maamul goboleedka Puntland oo ku gaashaaman hubka noocyadiisa kala duwan, ayaa maanta isu soo dhiibay Somaliland.

Saraakiishan iyo ciidanka oo ka tirsanaa Ciidanka difaaca maamul goboleedka Puntland, ayaa waxaa magaaladda Laascaanood ku qaabilay Taliyaha ciidanka qaranka ee jiida hore ee gobolka Sool Cali Bare Xuseen.

Taliyaha ciidanka qaranka ee jiida hore ee gobolka Sool Sareeye guuto Cali Bare Xuseen oo u waramaayay warbaahinta dowladda Somaliland, ayaa sheegay in saraakiishaas iyo ciidankaas ka soo goostay maamulka Puntland ay tiradoodu gaadhayso tobaneeyo, kuwaas oo sitay saanadoodii milatari.

Sidoo kale, Cali Bare Xuseen Taliyaha ciiidanka qaranka ee jiida hore ee gobolka Sool waxa kale oo uu sheegay un ciidankaas ay ku qaabileen degaanka Goojo-cadde ee gobolka Sool.

Waxaanu taliye Cali Bare sheegay in ciidankaas la marin doono nidaamka u yaala ciidanka qaranka Somaliland.

COMMENTS
Latest News