Gabileynewsonline.com
Madaxweyne Biixi Oo Kulan La Yeeshay C/kariin Axmed Mooge
June 9, 2021 - Written by admin
    

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay xildhibaan C/kariin Axmed Mooge, oo dhawaan ku guulaystay doorashadii goleyaasha deegaanka ee caasimadda Hargaysa.

Kadib markii ay soo baxeen baaqyo ay labadii maalmood ee la soo dhaafay soo saarayeen dhalinyaradda caasimadda Hargaysa, kuwaasoo dalbanayay in C/kariin Axmed Mooge, uu noqdo maayarka caasimadda.

Kulankaasi oo uu madaxweyne Biixi u fidiyay C/kariin Mooge iyo xubno kaloo ka mida xildhibaanadda u soo baxay caasimadda Hargaysa ayuu madaxweynuhu sheegay inuu uga dan leeyahay sidii uu uga jawaabi lahaa baaqyadda dhalinyaradda.

Kulankaasi waxaa hadalo ka jeediyay madaxweyne Biixi, C/kariin Axmed Mooge, xubno ka mida xildhibaanadii guulaystay iyo wasiirro uu ka mid ahaa wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed.

 

Daawo: Hadaladii Madaxweynaha iyo Xubnaha Kale:

 

COMMENTS
Latest News