Gabileynewsonline.com
“20Maalmood In Ayay U Xidhan Yihiin Wasiirka Beeraha, Kaliyana Waxa Lagu Haystaa Maxaa Uga Hadasheen Cabdirasaq Gorayo Dilkii Loo Gaystay..”Xil Maxamed Abiib
July 25, 2021 - Written by admin

Xildhibaan maxamed abiib ayaa xadhiga laba muwaadin oo xidhan mudo 20cisho ayaa ku eedeeyay xadgigooda wasiirba beeraha oo marka horeba lagu eedeeyay dilka loo gaystay cabdirasaaq gorayo,

Xildhibaa maxamed Abiib Ayaa qoraal uu kaga hadlayo xadhiga labadan muwaadin ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookg wuxuna udhignaa sidan;

“20 maalmood in ka badan ayay u xidhanyihiin wasiirka beeraha kaliyana waxa lagu haystaa maxaa uga hadasheen Cabdirasaq gorayo dilkii loo gaystay..

Shalay ayaan tagay saldhiga dhexe oo aan ku balanay inay dagdag u gudbiyaan eeda ay u hayaan gungaadhkeeda.

Maalmaha soo socda ayaan sharci darada xadhigan faahfaahin doonaa hadii alla idmo hadaan dagdag loogu celin xoriyadooda”.

Xildhibaan Maxamed Abiib oo laga soo doortay Gobolka awdal ayaa sidaasi qoray.

COMMENTS
Latest News