Published:

HIIL QABIIL WUXUU GOD DHEER KU RIDAY , XISAABINTII SIYAASIGA.

QALINKII : ENG MOHAMED HAIBE HERSI .

Somaliland dib ula soo noqoshadii jamhuuriyada, waxay soo martay heerar kala duwan oo kuf iyo kacba lahaa, ahna dabeecada shaykasta oo tadawur maraaya.

Waxa la qoray dastuur mudo badan laga shaqaynaayay, aftidii dastuurkana boqolkiiba 97 shicibku ku ansixiyay. Waxa la sameeyay fulintii oo leh wasaarado iyo hay’ado caalamka la jaanqaadaya, baarlamaan labo gole ah , ciidamadii , hay’adahii cadaalada.

Habdhiska awood wareejinta wadankeena , oo dimuqradiyadu aasas u tahay, waxa cadaatay in koriinka dimuqradiyadu , ka horkortay , hab fakirka shicibkeena. Dib u dhacaas oo ay sababtay hiilinta bilaa sharuuda ah ee shicibku qabiil ayna wax kale ka hoosayn kursiga ku saarayaan ninka siyaasiga ah ee qabiilkooda ka socda.

Dimuqradiyadu waxay leedahay laba gacmood oo awooda shicibka jiheeya , la’aantoodna awoodii dimuqradiyadu siisay shicibku aanu fulin karin. Labadaas gacmood oo kala ah, codka shicibku ku xushaan xubinta kursiga loo doorto, gacanta labaad oo ah shookaan shicibku ku toosiyaan waaxda fulinta , taas oo baqdinta hogaanka dalku ka baqo, in shicibku doorashada dambe ciqaabo.

Wadankeenu waqtigan waxa uu tabayaa gacantii labaad ee dimuqradiyada , taas oo meesha ka saartay la xisaabtankii madaxda wadanku ka filaayeen shicibka.
Aafada kaliye ee inaga hortaagan horumarku waa hiilinta qabyaaladeed ee siyaasiga u socda hogaanka dalku uga fadhiyo shicibkiisa , kor iyo hoos isdabataag buuxa .

Gabagabadii , xukuumad , siyaasiyiinta, culimada diinta , aqoonyahaniinta , shicibka , waa in laga yeesho qorshe qaran, sidii jiilasha dambe loo bari lahaa in aanay qabiil wax ku dooran , kuna doortaan aqoonta iyo amaanada shakhsiga siyaasiga ahi leeyahay.
Waa in la sameeyo xeer suldaanka iyo caaqilada u diidaaya in ay soo xulaan ashkhaasta u ordaaya kuraasta kala duwan ee qaranka. Taas oo yaraynaysa awooda u qabiilku ku leeyahay hogaaminta dalka.
Jidkan oo ah jidka horumarka jamhuuriyada somaliland.

News Related