Gabileynewsonline.com
Madaxwaynaha Jsl Oo Taliyaha Ciidanka Qaranka Ka Tacsiyadeeyay Geerida Ku Timid Hooyadii.
September 13, 2021 - Written by admin

TACSI MADAXWEYNE: 13/09/2021

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Faadumo Bookh Diiriye oo ku geeriyooday xaly oo ay taariikhdu ahayd 13/09/2021,Magaalada Gabiley.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumada si gaara uga tacsiyadaynayaa taliyaha Ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani oo ay marxuumadu hooyadii ahayd.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumada ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
Latest News