Published:

    

Wefti ka socda dawlad deegaanka Soomalida ee Itoobiya ayaa maanta booqasho ku yimid Somaliland.

Weftigaasi oo isugu jira qarreenno, guddoomiyaha maxkamadda sare ee dawlad deegaanka, iyo xubno kale ayaa booqday xarunta golaha Guurtida Somaliland ee magaaladda Hargaysa.
Sidaasina waxaa lagu sheegay war kooban oo uu baahiyay xoghayaha guud ee golaha Guurtidda Somaliland Cabdi Aadan Beegsi.

“Hogaanka sare ee ururka qareenada dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia oo uu weheliyo gudoomiyaha Maxkamada sare ee Gobolka Faafan iyo dhigooda Ururka Qareenada Somaliland    ayaa maanta soo booqday xarunta Golaha Guurtida ugu horayn waxaa waftigaasi soo dhaweeyey Xoghayaha Guud ee golaha guurtida Cabdinaasir Aadan Beegsi iyo mudanayaal ka kala tirsan gudi hoosaadyada galaha guurtida.
Kuwaas oo kala ahaa:
1- Cabdikariin Sh. Cumar gudida  arimaha  bulshada.
2- Mustafe Maxamed X daahir gudida shuruucda.
3- Mukhtaar  Maxamuud Cabdilaahi  gudida dhaqaalaha ee Golaha Guurtidda jsl” ayaa lagu yidhi warkaasi kooban.

News Related