Published:

Warbixintaasi oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxa uu Wargeysku ka hadlay Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ahayd Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland oo cisbitaal ka sameysay magaalada Hargeysa, waxaanu tilmaamay inay xasuusato xasuuqii ugu xumaa ee ka dhacay Mandaqada oo lagu sameeyey dadkeeda reer Somaliland.

Marwo Edna Aadan Ismaaciil waxay sheegtay in taliskii Siyaad  Barre uu dilay 200 oo Kun oo qof oo reer Somaliland ah,kuwaasi oo doonayey xornimo Sideetamaadii.

Marwo Edna Aadan waxay intaas ku dartay in Somaliland ay tahay dal lagu xushmeeyo bini’aadanimada, waxaanay tilmaantay inay Somaliland istaahisho aqoonsi caalami ah.

Wargeyska Financial Times wuxuu sheegay in tan iyo markii ay Somaliland xornimadeedii kala soo noqotay Soomaaliya saddon sannadood ka hor, ay ku guulaysatay inay qabato doorashooyin dimuqraadi ah, oo soo jiitay inay shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabtu ay maalgeliso marsadda Berbera, waxaanu warsiduhu tilmaamay in  madaxda Somaliland ay sheegeen in maalgashigaasi ka dhigan yahay jidkii lagu heli lahaa ictiraaf caalamiya.

Wargeyska Ingiriiska ka soo baxa ee Financial Times ayaa qoray warbixin ku Wajahan Jamhuuriyadda Somaliland iyo dedaalka ay muddada soddonka sannadood ah ugu jirto aqoonsiga caalamiga ah.

News Related