Published:

    

Kulan aqoon korodhsi ay maanta magaaladda Gabiley uga furmay masuuliyiinta dawladaha hoose ee degmooyinka Boorama, Saylac iyo Gabiley.

Kulankaasi waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland waxaanu socon doonaa muddo laba maalmood ah.

Kaasoo u jeedadiisu tahay siidi ay dawladaha hoose ee degmooyinkaasi u kala korodhsan lahaayeen wixii aqoon iyo horumar maamul ah ee ay ku kala horeeyaan gaar ahaana dhinaca mashaariicda horumarinta dawladaha hoose.

Iyadoo ay kulankaasi aqoon is waydaarsiga ah ka qayb gelayaan agaasimeyaasha waaxyaha qorshaynta iyo maaliyadda ee degmooyinka Boorama, Saylac, iyo Gabiley, isla markaana ay marti gelisay dawladda hoose ee Gabiley.

Sidoo kale waxaa kulankaasi ka qayb gelaya maayaradda magaalooyinka Boorama Maxamed Axmed Warsame, iyo maayarka degmadda Saylac, iyo sidoo kale maayarka Gabiley oo isagu marti gelinaya aqoon is waydaarsigaasi.

Aqoon is waydaarsigani waxay dhinacyadu ku kala korodhsanayaan waxyaabaha ay ku kala horeeyaan dawladaha hoose ee saddexdaasi degmo, si ay ugu dabaqaan hawlahoodda shaqo.

Waxaanay degmooyinku dhexdoodda kala faa’iidaysanayaan shaqooyinka iyo addeegyadd ay bulshadoodda u hayaan, meelaha ay u ku kala fiican yihiin, si loogu saleeyo qorsheyaashoodda waxqabadka.

Sida uu sheegay maayarka Gabiley Maxamed Cumar Cabdi, oo hadal ka jeediyay furitaanka aqoon is waydaarsigaasi.

 

News Related