Published:

Weftiga ka socda xukuumadda Somaliland ee  ku sugan magaaladda Laascaanood ayaa maanta ka qayb galay munaasibad xadhiga lagaga jarayay  dhismaha xarunta ciidanka Birmadka ee gobolka Sool  oo laga hirgeliyay magaaladda Laascaanood.

 

Dhismha xaruntaasi oo ay maalgelisay xukuumadda dhexe ee Somaliland ayaa noqoysa mid ay ka hawl geli doonaan ciidamadda Birmadka ee gobolka Sool.

 

Taasoo noqonaysa tii u horaysay oo nooceedda ah oo ciidamadda Birmadka looga hirgeliyo magaaladda Laascaanood.

 

Waxaana xadhig ka jarista dhismaha xaruntaasi ka qayb galay weftiga wasiirrada ah, ee uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka xanaanadda xoolaha iyo kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, warfaafinta Saleebaan Cali Koore.

 

Sidoo kale waxaa weftigaasi ka mid ah isla markaana munaasibadaasi ka qayb galay taliyaha ciidamadda booliska Maxamed Saqadhi Dabagale, taliyaha ciidamadda milateriga Nuux Ismaaciil Taani, xildhibaan Casoowe oo ka mid ah golaha Wakiiladda, iyo badhasaabka Sool iyo maayarka Laascaanood.

 

 

 

 

News Related