|
|||||
Gabileynewsonline.com
G/Deegaanka Laascaanood Oo Soo Dhaweeyay Hawl galadda Magaaladda Laga Waddo
October 3, 2021 - Written by admin Golaha deegaanka degmadda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa si buuxda u soo dhaweeyay hawl galadda ay xukuumadda Somaliland maalmahanba ka waddo magaaladaasi oo la xidhiidha arrimaha amaanka.
Maayarka magaaladda Laascaanood C/raxiin Cali Ismaaciil, maayar ku-xigeenkiisa, iyo xubnaha golaha deegaanka Laascaanood oo maanta warbaahinta wada jir ula hadlay ayaa si buuxda u soo dhaweeyay hawl galadaasi. Hawl galadaasi ayaana la xidhiidhay in magaaladda Laascaanood labadii maalmood ee u danbeeyay laga raafayay dadka ka soo jeedda koonfurta Soomaaliya. Tallaabadaasi oo ay golaha deegaanka Laascaanood ku tilmaameen mid amniga magaaladda lagu xaqiijinayo.
COMMENTS
|
Latest News
|