Published:

   Golaha deegaanka degmadda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa si buuxda u soo dhaweeyay hawl galadda ay xukuumadda Somaliland maalmahanba ka waddo magaaladaasi oo la xidhiidha arrimaha amaanka.

Maayarka magaaladda Laascaanood C/raxiin Cali Ismaaciil, maayar ku-xigeenkiisa, iyo xubnaha golaha deegaanka Laascaanood oo maanta warbaahinta wada jir ula hadlay ayaa si buuxda u soo dhaweeyay hawl galadaasi.

Hawl galadaasi ayaana la xidhiidhay in magaaladda Laascaanood labadii maalmood ee u danbeeyay laga raafayay dadka ka soo jeedda koonfurta Soomaaliya.

Tallaabadaasi oo ay golaha deegaanka Laascaanood ku tilmaameen mid amniga magaaladda lagu xaqiijinayo.

 

 

 

 

News Related