Published:

    

Kulan hawleed ku saabsanaa dib u eegista Hagaha Maaraynta cudurrada isku dhafan ee ku dhaca  dhalaanka da’doodu ka yar tahay Shanta sanadood ayaa lagu soo gebagabeeyay magaaladda Hargaysa.

Kulan hawleedkaasi oo socday muddo saddex maalmood ah waxa iska kaashaday wasaarada horumarinta caafimaadka Somaliland iyo haayada caafimaadka adduunka ee WHO.

U jeedadda kulan hawleedkaasi ayaa ahayd sidii dib u eegis iyo tayayn loogu samayn lahaa Hagaha Maaraynta cudurrada isku dhafan ee ku dhaca caruurtu marka ay dhashaan iyo dhalaanka da’doodu ka yar tahay Shanta sanadood.

Xidhitaanka kulan hawleedkaasi waxaa si wada jir ah u soo gaba gabeeyay agaasimaha waaxda cusbitaaladda iyo madaxa caafimaadka caruurta ee wasaarada caafimaadka Somaliland.

Sidoo kale waxaa xidhitaanka kulan hawleedkaasi goob joog ka ahaa madax sare oo ka socotay haayadda caafimaadka adduunka ee magaceedda loo soo gaabiyo WHO.

Kulankaasi waxaa ka qayb qaadanayay qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda caafimaadka, xubno ka socday xarumaha caafimaadka ee daryeelka hooyadda iyo dhalaanka.

News Related