Published:

    

Khilaaf xoogan oo banaanka u soo shaac baxay ayaa ka dhex qarxay badi xubnaha golaha deegaanka degmadda Gabiley iyo maayarka magaaladaasi oo ay ku eedeeyay inuu ku kacay falal musuq maasuq oo baahsan.

Waxaanay sheegeen in maayarku uu diiday inuu xisaab-xidhkiisa cadeeyo miinaasiyadda golaha, isla markaana uu ka war-wareegay meesha ay lacagtaasi ku baxday ay ka maqan tahay khasnadda dawladda hoose.

Xubnahan ka mida golaha deegaanka Gabiley oo maanta warbaahinta la hadlay waxay ku dhaliileen maayarka inuu sifo sharci darro ah u lunsaday lacago fara badan iyo dhaqaale loo qoondeeyay in lagu maamul hawlaha dawladda hoose.

Xildhibaanadaasi waxay sheegeen in ay jiraan hanti badan iyo kharashaad uu si shaqsi ah u isticmaalay maayarku oo ay isaga ku maqan tahay, taasoo u muuqata inuu wakhti hore istcimaalay.

Waxyaabaha ay xubnahaasi maayarka Gabiley ku eedeeyaan inuu lunsaday waxaa ka mid ah mushaharka shaqaalaha aan joogtadda ahayn ee dawladda hoose oo todobadii bilood ee sanadkan u horeeyay ku dhamaaday.

Geesta kale xubnahan ka tirsan golaha deegaanka Gabiley waxay sheegeen in ay xisaabtan ka dalbadeen maayarka, isla markaana loo soo gudbiyo liiska shaqaalaha joogtadda ah iyo kuwa aan joogtadda ahayn.

Balse uu maayarku shirkii ka carraray kadibna uu u sheegay in ay iskula tegayaan badhasaabka gobolka Gabiley si uu arrintoodda u soo dhex gallo, maadaama oo uu yahay wakiilka xukuumadda dhexe ee gobolka.

Waxyaabaha kale ee ay xildhibaanadani ku eedeeyaan maayarka Gabiley waxaa ka mid ah in mashaariic kaloo badan oo sanadkan 2021-ka in ay fulaan la qorsheeyay in ay xisaab-xidhka ka maqan yihiin, iyo madaxyo lacageed oo maqan.

Dhinaca kale xildhibaanadani ayaa madaxweynaha Somaliland iyo xukuumada iyo hanti dhawrka qaranka ugu baaqeen inuu wax ka qabto musuq maasuqa uu maayarka Gabiley ku kacay, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay la xisaabtamaan maayarka.

 

 

 

News Related