Published:

“Xirsi Isagoo Madaxwayne Labaad Ah Oo Adeerkii Ag Fadhiya Ayuu Diiday In Uu Muuse Biixi Taageero.Cali Guray.

GUULAYSTAYAAL GUULAYSTA

Guushu Maaha keliya xisbi iyo Gudoomiye Xisbi. Waxa ka wayn guusha lagu beegsanayo xisbiga oo waa Madaxwayne iyo xukuumadiisa. Baarlamaankii iyo Golayaashii Degaanada hore ayuu WADDANI ugu soo Guulaystay. Cabdiraxmaan oo Madaxwayne ahna waxa inaga xiga inta dadku codaynayo 13 November 2022 HADII ALLAH YIDHAA.

Khilaafkii WADDANI inta aan ogahay wuu dhamaaday ragga halkan ka muuqdaana maaha rag isdiidan ee Waa rag tashaday oo heshiiyay. Aan baqanana ha noqoto eh wixii rag ku heshiiyaa ma xuma ayaa hore Loo yidhi. Xirsi isagoo Madaxwayne labaad ah oo adeerkii ag fadhiya ayuu diiday in uu Muuse Biixi Taageero. Markii la soo marin waayay waa tii la ogaa ee isagoo raxan libaaxyo ah hor kacaya WADDANI Ka hilaacayintuu kitaabkii yaraa ee JEEGAANTA daaqadda ka tuuray. Ta kale la isma xaasido eh waar dee Xirsi in uu WADDANI xisbi qaran u soo gudbo gacan wayn buu ku lahaa. Cabdiraxmaan Cirro in uu geesi Yahay oo nin wacad leh yahay Xirsi daaqadda ka saar wuu diiday wax kasta oo lagu yidhi iyo cid kasta oo Sheeko kale wadatayba.

News Related