Published:

    

Isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sool Dr. Maxamuud Xaaji Khaliif, ayaa tababar u soo xidhay kal-kaalieyaasha ka shaqeeya cusbitaalka dhimirka ee magaaladda Laascaanood.

Tababarkaasi oo socday muddo todoba maalmood ah ayaa hawl wadeenadaasi waxaa lagu tababarayay sidii loogu kordhin lahaa aqoonta la xidhiidha daryeelka, xanaanaynta iyo la dhaqanka dadka dhimirka ka buka.

Hawl wadeenadaasi tababarka loo soo xidhay ayaa ka kala socday xarumaha caafimaadka ee magaaladda Laascaanood  kuwa dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahayba.

Tababarkaasi ayay u jeedadiisu ahayd sidii la isugu xidhi lahaa xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawliga ah, sida uu sheegay isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sool.

 

 

News Related