Published:

    

Sanad kasta 10-ka bisha October waxaa wadamo badan oo caaalamka ah laga xusaa maalinta Dhimirka adduunka, taasoo la isku xasuusiyo sidii loo daryeeli lahaa dadka qaba xanuunkaasi.

Waxaana maanta magaaladda Hargaysa lagu qabtay munaasibad balaadhan oo lagu xusayay maalinta Dhimirka adduunka oo uu ka qayb galay wasiirka caafimaadka, agaasimaha guud iyo masuuliyiin kale.

Marka la eego guud ahaanba gudaha bulshadda Soomaalida ah waxaa la isku raacsan yahay in dadka Dhimirka ka buka xuquuqdoodda aad loogu xad gudbo, taasoo ay ugu horeeyaan dadka eehelka u ah dadka buka.

Sida uu sheegay Dr. Yacquub, oo ah agaasimaha waaxda xanuunadda Maanka ee wasaaradda caafimaadka Somaliland oo hadal ka jeediyay munaasibadii maanta ee lagu xusayay maalinta Dhimirka adduunka.

Masuuliyiintii xafladaasi hadaladda ka jeediyay ayaa bulshadda ugu baaqay in ay doorkoodda ka qaataan sidii loo daryeeli lahaa dadka Maanka ka buka.

Munaasibadaasi lagu xusayay maalinta Dhimirka adduunka waxaa ka soo qayb galay wasiirka caafimaadka Xasan Gaafaadhi, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye.

Agaasime waaxeedyadda wasaaradaasi, masuuliyiin ka socday haayadaha caalamiga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda caafimaadka, dhakhaatiir, xildhibaano, iyo masuuliyiiin kale.

 

 

News Related