Published:

    

Degmadda Sheekh ee gobolka Saaxil ayaa horumar aad u balaadhan oo dhinacyo kala duwan leh ku talaabsatay mudadda ay xilka hayeen maamulka cusub ee badhtamihii sanadkan la soo doortay.

Waxaanay maamulka cusub fuliyeen mudadda kooban ee ay joogeen mashaariic horumarineed oo kala duwan, kuwaasoo ay ka mid yihiin Waddooyin, suuqyo ganacsi ama sarriibado, sayladda xoolaha lagu iibiyo.

Mashaariicda ay maamulka degmadda Sheekh ku tallaabsadeen waxaa ka mid ah Waddo dhererkeedu dhan yahay 2KM oo ay ka hirgeliyeen dhinaca barri ee  magaaladda Sheekh.

Jidkaasi 2KM ah oo weli uu dhismihiisu socdo waxaa hirgelintiisa iska kaashanaya dawladda hoose ee degmadda Sheekh, xukuumadda dhexe ee Somaliland iyo haayadaha maalgeliya mashruuca JPLG ga.

Sida uu sheegay Maxamed Faarax Axmed, maayar ku-xigeenka degmadda Sheekh oo maanta ka warbixiyay mashaariicda ay hirgeliyeen mudadda ay xilka hayeen iyo waxyaabaha u qorshaysan in ay dhawaan qabtaan.

 

DAAWO: Maayar Ku-Xigeenka Sheekh Oo Arrimahaasi ka Warbixinaya:

 

News Related