Published:

    

Wasiirka warfaafinta Somaliland iyo wefti uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga gobolka Sool  ayaa maanta kormeer ku tegay xarumaha dawladda ee degmadda Xudun oo ka tirsan gobolka Sool.

Wasiirka ayaana kormeerkiisa waxa uu ku soo maray xarunta dawladda hoose ee degmadda Xudun, iyo sidoo kale saldhiga dhexe ee booliska degmadda Xudun.

Waxaanu wasiirku markii uu gaadhay xarunta dawladda hoose ee Xudun, halkaasi ku soo dhaweeyay maamulka dawladda hoose, isagoona kulan la qaatay maayarka iyo xubnaha golaha deegaanka.

Maayarka degmadda Xudun Maxamed Jaamac Xirsi, ayaana halkaasi warbixin ku siiyay wasiirka warfaafinta iyo xubnaha kale ee la socday.

Saldhiga booliska degmadda Xudun, oo dhawaan lagu soo xidhay ragg lagu soo qabtay Khamri ay magaaladda soo gelinayeen, ayaa isla maalintiiba inta koox kuwa la soo xidhay taageersanaa ay weerar soo qaadeen saldhiga dhexdiisa ku toogteen taliyaha saldhiga booliska Xudun.

 

Iyadoo falkaasi ay ku dhinteen qaar na ku dhaawacmeen xubno kaloo askarta saldhiga ka hawl gasha ka mid ahaa, dhacdadaasi ayaana loo sababeeyay saldhiga oo aanay joogin ciidan ku filan.

Sida uu qiray Maxamed Jaamac Xirsi,  maayarka degmadda Xudun oo wasiirka warfaafinta warbixin ka siinayay xaaladda saldhiga booliska degmadda.

Waxaanu sheegay maayarku in saldhiga booliska degmadu uu dayactir aad u fara badan u baahan yahay, isla markaana aanay jirin gaadiid ay ciidamadu ku hawl galaan iyo sidoo kale agabka xafiisyadda lagaga shaqeeyo aan jirin.

“Saldhiga dhexe ee degmadda Xudun, aad buu u balaadhan yahay. Hase yeeshee, dayactir aad u badan buu u baahan yahay. Ma laha agabkii xafiisyadda, ma laha gaadiid. Waxaanu aad u codsanaynaa in na loo qalabeeyo.

Haday agabka xafiisyadda ah tahay, haday gaadiidka booliska tahay, iyo booliskii oo aanu u baahan nahay”.

Sidoo kale maayarka degmadda Xudun, waxa uu sheegay in ay hadda ka dawlad hoose ahaan diyaar u yihiin in ay kor u qaadaan shaqadda degmadda.

“Waxaanu hadda diyaar u nahay, maamul daadejintii degmadda Xudun, oo ay hoos yimaadaan 32 tuullo. Waxaanan imika u diyaar nahay in aanu shaqayno, oo aanu degmadda kor u soo qaadno” ayuu yidhi maayarka degmadda Xudun.

Geesta kale Saleebaan Cali Koore, ayaa ku bogaadiyay dawladda hoose ee Xudun sida ay diyaarka ugu yihiin in ay si buuxda shaqadoodda u gutaan oo ay degmadu dhaqaaqdo.

Waxaanu sheegay in baahiyaha ka jira saldhiga booliska Xudun, inuu warbixintiisa gaadhsiin doono wasiirka arrimaha iyo taliyaha booliska oo labadooduba ka mid ah weftig heer qaran ee mudooyinkan ba hawlaha shaqo u jooga Laascaanood.

Waxaanu yidhi, “Saldhiga iyo ciidamadda boolisku, waa Wadnaha dhaqaajinta maamul daadejinta. Waxaa ka muuqata in ay aad iyo aad ugu baahan yihiin, in ay hesho boolis, iyo agabkii uu boolisku ku shaqayn lahaa.

Wasiirkii arrimaha gudaha iyo taliyihii ciidanka boolisku ba, waxay joogaan magaaladda Laascaanood, warbixinta ayaanu u gudbin doonaa, in ay degmadani baahiyo badan qabto. Haddii aanay iyagu ba Indhahoodda ku soo eegin, oo in ay yimaadaan ba ay haboon tahay”.

Dhinaca kale wasiirka warfaafinta iyo xubnaha la socday waxay soo kormeereen garoonka Kubbadda Cagta ee degmadda Xudun, oo isna uu dayac aad u fara badani ka muuqdo.

Wasiir Koore, oo xubnaha weftiga ee la socda ay ka mid yihiin wasiirkii hore ee wasaaradda biyaha Baashe Cali Jaamac, iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta iyo odayaasha degmadda Xudun.

News Related