Published:

Beelaha Dir, Digil & Midhigle  Oo Shirar Ay Kaga Tashanayaan Hogaaminta Somaliya Ku Hawlan Iyo Dalalka Daneeya Arimaha Somaliya Oo Si Dhow Ula Socda!

-Somaliya Ayaa lagu wadaa dhawaan in ay ka Qabsoonta Doorashada Madaxwaynaha taasi oo xiligan ay gabo gabo ku dhaw dDhay doorashada xildhibanada laba aqal ee Baarlamaanka Iyo Aqalka Sare ee somaliya, kuwaasi oo dooran doona Madaxwaynaha cusub ee somaliya hogaamin doona Afarta sano ee soo socota/

Saamiga Qaybsiga siyaasadeed Ee Somaliya oo lagu qaybsato Qaabka 4.5 ayaa ah nidaamka jaan gooya doorashada Madaxwaynaha kaasi oo inta badan ay laba kamid ah beelaha Awoodaha qabaa,ilka somaliya ay ku hirdamaan Madaxwaynaha iyo raysal-wasaaraha somaliya kuwaasi oo kala ah hawiye iyo daarood, halka ay dir iyo digil iyo midhifle iyo 05 Oo lasiiyo athers, aanay hore umuuqan jirin tartanka labada Kursi ee ugu sareeya dalka.

Hadaba wararka laga helayo isbadalo siyaasadeed iyo Isxulifaysiyo cusub oo maalmahan ka bilowday magaalada Muqdhiso iyo Nairobi ayaa lagu wadaa in ay wax ka badalaan qaabkii hore ee loo dooran jiray madaxwaynaha somaliya iyo cida qaadanaysa raysal wasaaraha kuwaasi jiho kale udhigaya loolankii kursiga madaxwaynaha ee beelaha Hawiye iyo Daarood ku loolami jireen.

Siyaasiyiinta ,aqoonyahanka iyo ganacsatada beelaha dir iyo digil iyo midhifle ayaa maalmihii udanbeeyay waxay shirar uga socdeen dalka somaliya gudihiisa iyo dabada kuwaasi oo lafilayo in seeska loogu dhigo siyaasad cusub iyo isabahaysi ay yeeshaan labadan awoodood oo awooda somaliya ka noqonaya 50% kuwaasi oo looga dan leeyahay sidii layskula qaadan lahaa in muujiyaan awoodooda doorashada ay  ku leeyihiin jaangoynta hogaanka dawlada somaliya ee doorashada soo socota,

Sidoo kale shirarka siyaasadeed ee usocda qaybo kamid ah haldoorka somaliya ayaa lagu wadaan in layskula qaato sidii loosoo xuli lahaa siyaasi utartama madaxwaynaha somaliya oo labada beelood iyo qaybo kale oo kamid ah qabaa,ilka somaliya ku midaysan yihiin,

Dhanka beesha caalamka iyo dalalka daneeya siyaasada somaliya ayaa la sheegay in ay si dhow ula socdaan shirar siyaasadeed ee usocda beelaha Dir.Digil iyo Midhifle, kuwaasi oo lafilayo in kazoo baxaan qodobo ay beesha caalamku aad udanaynayso, iyadoo dalalka somaliya taageeraa Ay mudooyinkii danbe ku hawlanaayeen sidii xal waara loogu heli lahaa somaliya islamarkaana loo badali lahaa hogaaminta somaliya iyo beelaha mudooyinkii udanbeeyay isku bad badalayay xilalka ugu sareeyo oo wakhti xaadirkan beesha caalamku u aragto in madaxwaynaha somaliya aanay ku haboonayn  beelaha hore ugu hirdami jiray, balse ay aragti ahaan soo dhawaynayaa awood kale oo timaada hogaaminta somaliya kuwaasi oo lagu wado in ay kazoo baxaan beelaha hada shirarku usocdaan ee Dir,Digil iyo Midhifle oo hada loo Arko cida kaliya ee somaliya isku hayn karta, Kuna Haboon hogaaminteeda,

Isxulufaysigan cusub ee somaliya ka bilowday ayaa lafilayaa in Uu waji kale uyeelo siyaasada somaliya iyo hogaanka dalkaba taasi oo meesha ka saari doonta hirdankii labada beelood ee hawiye iyo daarood oo iyagu qayb ka ah khilaafka siyaasadeed ee curyaamiyay somaliya kaasi oo bulshada somaliyeed xiligan u haraad qabto hogaamin ka duwan is horfadhiga daarood iyo hawiye oo xiligan u baahan cid dalka ku hogaamisa mid ka duwan jidkan oo mudo dheer madaxtinimada somaliya isku bad badalay madaxwaynaha iyo raysal wasaaraha taasi oo aan yeelan wax midho dhal ah.

Sikasta ha ahaatee waxaa bulshada somaliyeed Iyo beesha caalamku ay isha ku hayaan natiijada kazoo baxda shirarka beelaha dir iyo digil iyo midhifle oo lagu wado in uu waji kale uyeelo hogaaminta somaliya kaasi oo la dhowrayo wixii kazoo baxa.

News Related