Published:

    

Fadhigii 80aad ee Golaha Wasiirrada Sonmaliland oo maanta ku qabsoomay habka Maqalka iyo muuqaalka ah (Video Conference) oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Covid-19, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Ugu horrayn, waxa uu Goluhu war-bixin ka dhagaystay Guddoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Covid-19 oo ah Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu faahfaahin ka bixiyey xaalada Covid-19, isagoo xusay in saddexdii bilood ee u dembeeyey ay sii kordhayaan dhimashada dadka xanuunku ku dhacayo.

Iyadoo  lixdii cisho ee u dembeeyey ay u geeriyoodeen 28 qof. Waxa kale oo uu sheegay in ay Guddidu go’aamo ka soo saari doonaan ka hortagga iyo la-dagaalanka Covid-19.

Goluhu waxa uu dood dheer ka yeeshay dhibaatada iyo muranka ka jira dhulka miyi iyo magaalaba, waxaana ka mid aha qodobbadii laga xusay:

  1. Dhul daaqsimeedkii oo la boobayo, lana oodanayo ama la deegaamaynayo oo khilaaf iyo shaqaaqooyin ka abuurmaan.
  2. Xoolihii dhaqaalaha laf-dhabarta u ahaa oo yaraanaya markii daaqii laga xidhay.
  3. Muwaadiniinta oo aan dhulkii u sinnayn oo qaar dhul badan xidheen, qaarna ka faro-madhan yihiin.

Waxa kale oo goluhu ku dheeraaday inuu Dastuurku qeexayo Khayraadka dhulka, Dhulka Buuraha ah iyo badda inay masuul ka tahay Dawladdu, hase yeeshee shacabka qaarkood aanay akhriyin dastuurka, waxaana lagama-maarmaan ah in dhammaan muwaadiniintu fahmaan muhiimada uu qaranka u leeyahay in shuruucda dhulka la dhawro.

Dood iyo falanqayn dheer ka dib, waxa Guddi loo saaray in ay uruuriso mushkiladaha ka jira dhulka, isla markaana talo ka soo jeediso sidii loo fulin lahaa Sharciga Dhulka.

Ugu danbayn, waxa uu Goluhu war-bixin ka dhagaystay Weftigii Wasiirrada ahaa ee hawl-galka nabadgelyada la xidhiidha u joogay Gobolka Sool.

Waxaanay sharaxaad ka bixiyeen xubnaha golaha wasiiradu hawlaha u qabsoomay illaa hadda, hawlgalkii nabadgelyaduna si fiican ugu socdo, inta u hadhayna ay dhammaystiri doonaan, Goluhuna waxa uu ku boggaadiyey hawlaha xoojinta amniga Gobolka Sool ee ay fuliyeen xubnahaasi.

 

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

News Related