Published:

    

Shir weynaha guud ee guddida shuurada ee guddiga wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland ayaa maanta lagu qabtay magaalada Hargaysa.

Kaasoo ay ka soo qayb galeen qaar ka mida golaha wasiirrada, gudoomiye ku xigeenka golaha Wakiilada, badhasaabka gobolka Maroodijeex, xildhibaano, culimow-diin iyo masuuliyiin isaga kala yimid goboladda dalka.

Shirka guddida shuurada ee gudida wanaag farista iyo xumaan reebista oo noqnaya kii afraad ayaa  sanadkiiba mar la qabtaa.  isaga kala yimid goboladda Somaliland oo dhan

Gudoomiyaha gudida guud ee gudida wanaag farista iyo xumaan reebista oo munaasibadda ka hadlay ayaa sheegay in camalka ay gudidu u hayso bulshadu uu yahay camal Diini ah maadaama ay Diintu ina farayso reebista xumaanta iyo farista wanaaga.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mida guddida iyo culimada dalka oo sheegay in gudidu ay iskeed isu xilqaantay oo sheegay in xukuumadana ay uga mahad celinayaan taageerada ay la garab taagantay.

Waxa kaloo iyadna halkaasi ka hadlay wasiirka wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Al-baani), wasiirka wasaarada horumarina maaliyadda Sacad Cali Shire, badhasaabka gobolka maroodi jeex Maxamed Cilimi, wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed iyo Xildhibaano ka mida golaha wakiilada.

Waxaanay sheegeen in guddidu ay bulshada xil weyn ay u hayso islamarkaana la ogyahay doorka ay qaranka kaga jiraan waxaanay ugu duceeyeen in Ilaahay ku asturo xilka ay hayaan.

Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland oo hadal ka jeediyay shirkaasiayaa guddiga wanaag farista ku bogaadiyay shaqadda wanaagsan ee ay qaranka u hayaan.

Guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada somaliland mudane Siciid Mire Faarax Giirre,  oo isna ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in guddidu ay waajib khayri ah umadda u hayso bulshadeena.

Waxaanu ku baaqay in ay la shaqeeyaan guddida maadaama ay ka shaqanayaan tarbiyadda iyo wacyigalinta suubaan ee bulshadu ay u baahantahay.

 

DAAWO: Hadalkii Wasiirka Diinta iyo Awqaafta:

 

 

News Related