Published:

    

Hogaanka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa xarunta dhexe ee xisbiga si ballaadhan ugu soo dhaweeyay siyaasiyiin miisaan culus oo ku soo biiray xisbiga kana soo baxay xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxaa soo dhawaynta siyaasiyiintaasi ku wehelinayay Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, iyo xubno kale oo ka mid ah hoggaanka Xisbiga WADDANI.

Siyaasiyiintan oo xarunta guud ee Xisbiga WADDANI war-baahinta kula hadlay,ayaa si rasmi ah u shaaciyey inay ku soo biireen Xisbiga WADDANI, isla markaana ay ka soo baxeen Xisbiga KULMIYE.

Waxaanay sheegeen inay jidka ku soo jiraan siyaasi yiin kale,kuwaas oo iyana ka soo hayaami doonna maal-maha soo socda Xisbiga KULMIYE.

Siyaasiyiintan miisaanka leh ee ku soo biiray Xisbiga WADDANI, ayaa kale ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Mudane,Cabdilaahi Cali Ibraahin, Prof. Siciid Xasan Sheekeeye, Prof. Jamaal Jaamac Yare, Maxamed Xasan Faahiye, iyo Kayse Baashe Ducaale.

 

DAAWO: Hadaladii Masuuliyiintaasi:

 

News Related