Published:

Wakiilkii hore ee Somaliland u joogay Kenya Baashe Cawil Cumar, ayaa ku tilmaamay aqoonsi dadban maal gashi ay dalal Somaliland ku jirto ay ku samaynayso Hay’adda Maalgashiga Horumarinta u Qaabilsan Dawlada Ingiriiska.

Qoraal uu bartiisa Facebook-ga uu soo dhigay, ayaa waxa uu ku Yidhi  “Hay’adda Maalgashiga Horumarinta u Qaabilsan Dawlada Ingiriiska ee marka la soo gaabiyo loogu yeedho CDC Group PLC, ayaa maanta shaacisay in ay galisay maalgashi dhan 100M dollar Dakeda Berbera, arinkan ayaa u muuqda in ay u tahay guul Somaliland, maadaama CDC leedahay boqolkiiba Boqol Dawladda UK, arrintanna tahay tallaabo wanaagsan oo  horseedi doonta shaqo abuur dhan 53,000 oo shaqo, indhaha dalal kale oo dhaqaale leh na u soo jeedin doonta sidii ay ugu dhiiran lahaayeen  maalgashi toosa oo ay ku sammeeyaan Somaliland.

CDC Group plc waa hay’ad maaliyadeed oo horumarineed oo ay leedahay dawladda UK. Xafiiska Arrimaha Dibedda, Barwaaqo -sooranka iyo Horumarinta ayaa mas’uul ka ah CDC, waana saamilayda keliya.Waxay leedahay faylal maalgashi oo lagu qiimeeyay ku dhawaad ​​US $ 5.3 bilyan tan iyo 2011kii waxay diiradda saareysaa suuqyada soo koraya ee Koonfurta Aasiya iyo Afrika.

Waxaa Qoray; Safiirkii hore ee Somaliland ufadhiyay dalka Kenya Amb baashe cawil xaaji cumar.

News Related