Published:

:

Warning: Trying to access Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame)oo kamid ah hal abuurka dhalinyrada reer Somaliland ayaa farta ku fiiqay gad gadoonka siyaasada somailand iyo sida ay siyaasiyiinta maalinba xisbi iskugu badalay iyagoo shalay kan laga cabanayo aha.

Abwaan weedhsame ayaa bulshada waydiiyay xisbiga wadani siyaasiyiintiisa maanta miyaanay ahayd kulmiyihii ka horeeyay 2015 maxaa isbadalay isagoo qoraal kooban oo uu arimahaasi kaga hadlay ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Waddani Miyaanu Kulmiyihii 2015-Ka Ka Horreeyey Aanu Ahayn? Abwaan Weedhsame,

Bal intaad muraayada marooro-dillaaca iska saarto, caadi u eeg raggan meesha maraya. Waa Wada Kulmiyihii aad nici jirtay, waa W, waa Y,  Waa Z dee sii wad uun.

Eeg qaar baa i odhan doona markay Waddani galeen bay malaa’iig noqdeen iyo Awliyo Alle oo caano tufaysee!!!!!

Alle ma i dilayaa, Ninkaan shalay ku lahaa wuu ina xaday, maanta ku odhan maayo wuu ina xurmaynayaa.

Alle ayaad leedihiine, khalliga ku baandheeya way hagaagi doontaaye.

News Related