Gabileynewsonline.com
Wasiir Toorno Oo Bulshadda Ugu Baaqay In Ay Ku Dhaqmaan Go’aamadda Guddiga Heer Qaran Ee Covid19
October 8, 2021 - Written by admin
    

Wasiirka waxbarashadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa bulshadda uga digay in ay ka feejignaadaan xanuunka Coronavirus oo muddooyinkan danbe si xawli ah u faafaya.

Waxaanu sheegay in dadweynaha reer somaliland looga baahan yahay in ay raacaan tallooyinka wasaaradda caafimaadka ee  lagu yaraynayo faafitaanka xanuunka Covid19-ka.

Wasiir Toorno, oo xubin ka ah guddiga heer qaran ee Somaliland ee xakamaynta Covid19, waxa uu sheegay in saddexdii bilood ee u danbeeyay uu si weyn kor ugu kacay tiradda dadka u dhintay xanuunka Coronavirus.

Waxaanu si gaar ah fariin ugu diray bahda waxbarashadda Somaliland oo uu ugu baaqay in ay tallaalka xanuunka Coronavirus ay qaataan, isla markaana lagu dhaqmo go’aamadda ay soo saaraan guddiga heer qaranka ee Covid19.

 

 

COMMENTS
Latest News