Published:

    

Wasiirka deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa maanta qado sharaf ku maamuustay wefti ka socda Itoobiya oo ku sugan magaaladda Hargaysa.

Weftigaasi Itoobiyaan ka ah oo uu hogaaminayo wasiirka maaraynta deegaanka iyo dhulka ee dawla deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shalay waxay wasaaradda deegaanka Somaliland soo gaadhsiiyeen dhir gaadhaysa 50,000 oo geed.

Casuumadaasi qado sharafta ahayd waxaa wasiirka deegaanka Somaliland ku wehelinayay masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda deegaanka.

Sidoo kale waxaa qado sharaftaasi joogay wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka ee Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.

Maayar ku-xigeenka caasimadda Hargaysa, iyo xubno kaloo xukuumadda Somaliland ka tirsan.

Dhinaca kale weftigan ka socda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ka kooban dhawr xubnood oo xilal ka haya DDS Itoobiya.

Kuwaasoo u jeedadda safarka ay Hargaysa ku joogaan uu la xidhiidho kadib markii ay shalay Somaliland soo gaadhsiiyeen dhir gaadhaysa 50,000 oo geed.

 

News Related