Published:

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland C/naasir Caydiid Maxamed,  ayaa maanta xilkii u kala wareejiyay badhasaabkii hore iyo badhasaabka cusub ee gobolka Gebilay.

Munaasibad ballaadhan oo loo qabtay xilwareejinta ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Tignoolijiyadda Cabdiweli Suufi Jibriil, wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarina Jidadka Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed (Ataash).

Maayarka degmadda Gabiley, xildhibaanno ka tirsan golaha Wakiillada, xubno ka mid ah xildhibaanadda golaha deegaanka Gabiley, guddoomiyaha degmadda Tog-Wajaale, isku-duweyaasha wasaarradaha qaarkood, salaadiin, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Badhasaabkii hore ee gobolka Gebilay haatana ah badhasaabka cusub ee gobolka Sool oo uu dhawaan madaxweyne Biixi u magacaabay oo ka hadlay xafladan uu xilka ku wareejinayay ayaa uga mahadceliyay bulshada gobolka Gebilay sidii milgaha lahayd ee ay u la soo shaqeeyeen mudadii uu joogay.

Cabdikariin Aadan Diiriye, ayaa  ugu bushaareeyay badhasaabka cusub ee gobolka Gabiley inuu yimid gobol bulsho ahaan isku xidhan, isla markaana ay dadkiisu jecel yihiin horumarka.

Badhasaabka cusub ee gobolka Gebilay Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa uga mahad celiyay bulshada gobolka Gebiley soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen.

Waxaanu tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ka shaqeeyo gobolka Gebiley, oo bulshadiisu ay beeralay tahay, taasoo wax soo saarka guud ee dalka kaalin weyn kaga jirta.

C/qani Jiidhe, waxa uu intaas ku daray inuu ka shaqayn doono inta uu joogo gobolka Gabiley sidii ay u dhammaystirmi lahayd gobolnnimada Gebilay.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Ataash, iyo Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolijiyadda Cabdiweli Suufi Jibriil, oo iyagna halkaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyay badhasaabka cusub ee gobolka Gebilay.

Waxaanay ku booriyeen inuu ka shaqeeyo hawlaha horumarinta ee dhinacyada dhaqaalaha, wax soo saarka iyo la dagaalanka maandooriyaha kala duwan.

Geesta kale guddoomiyaha degmada Wajaale Cabdiraxmaan Yuusuf, iyo xildhibaanno ka tirsan golaha Wakiillada iyo maayarka degmada Gebilay Maxamed Aamiin Cumar Cabdi, oo iyagna munaasibadda ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan badhasaabka cusub.

Halka badhasaabkii horena sii sagootinayaan, iyagoona ILLAAHAY SWT uga baryay badhasaabka cusub inuu ku asturo xilkaasi.

Waxa kaloo iyagna xafladaasi xil wareejinta ahayd hadalo soo dhawayn ah ka jeediyay Sudlaan Salmaan, oo ku hadlayay afka

waxgaradka iyo waayeelka bulshada Gabiley, waxaanu tilmaamay inay gobolka ku soo dhaweynayaan badhasaabka cusub ee dhawaanta loo soo magacaabay Cabdiqani Maxamuud Jiidhe.

Waxaanu suldaan Salmaan, xusay in ay sii sagootinayaan badhasaabkii hore ee gobolka  Gabiley Cabdikariin Aadan Diiriye, oo dhawaan uu madaxweyne Biixi u magacaabay badhasaabka gobolka Sool.

Sidoo kale waxaa isna xafladaasi ka hadlay ssu duwaha wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryaynta ee gobolka Gabiley oo ku hadlayay afka isu-duwayaasha laamaha dawladda ayaa sheegay inay si wanaagasan u soo wada shaqeyeen badhasaabkii hore muddadii uu joogay gobolka.

Waxaanu isu-duwuhu xusay inay soo dhaweynayaan badhasaabka cusub  ee dhawaan loo soo magacaabay gobolka Gabiley ee maanta xilka la wareegaya C/qani Maxamuud Jiidhe.

Dhinaca kale Kaltuun Haaruun, oo ku hadlaysay afka garabka haweenka ee gobolka Gebiley ayaa sheegtay inay uga mahad celinyaan badhasaabkii hore sidii xilkasnimada lahayd ee ay ula soo shaqeeyeen haween ahaan.

Iyadoo na tilmaantay in sidoo kale na ay la shaqayn doonaan badhasaabka cusub ee gobolka Gabiley loo soo magacaabay.

Gebagebadii waxaa xilka labada badhasaab si rasmi ah ugu kala wareejiyay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee gobollada iyo degmooyinka dalka C/naasir Caydiid Maxamed.

News Related