Gabileynewsonline.com
Halkee Ayuu Ku Danbeeyey Balanqaadkii Madaxweynaha Jsl Hore Usheegay In Lasoo Deynayo Muwaadin Reer Somaliland ah Oo Sannado Badan ku Xidhan Dalka Djibouti.
November 3, 2021 - Written by admin

Waxaanay sheegtay in xukuumadii hore madaxweyne siilaanyo dhawr jeer oo ay ergooyin kala duwan u dirtay heer madaxweyne ilaa wasiirkii arrimaha gudaha oo ahaa Warancade aaney cidna waxba ka qaban, waxaaney codsi u dirtay dawlada jabuuti madaxweyne ismaaciil cumar geelw iyo Marwadiisa khadra xayd in wiilkeeda loosiidaayo.

Hadaba wakhtigan oo ilaa hadda ay bulshada jsl iyo qoyska wiilkani is waydiinayaan balanqaadkaa hore madaxweyne biixi sheegay in siideyntiisa wiilkan u dhashay somaliland ay kala xaajoodeen dawlada jabuuti lana soo deynayo, ayaan wali ilaa hadda hirgalin, lana soo deyn.

Wakhtigan ayaa dawlada somaliland iyo Dawlada jabuuti xidhiidhkoodu yahay mid wanaagsan iyadoo wada shaqeynta laamaha amaanka ee labada dalna tahay mid xoogan, taasina waata sababtay in dawlada somaliland Taliska ciidamada boolisku ay ku soo martiqaadan Xuska Aas-aaska Ciidamada Booliska somaliland Taliyaha ciidamada Booliska Dalka jabuuti iyo dawlad deegaanka somalidaba

COMMENTS
Latest News