Published:

): Degmada Axmed Dhagax ee caasimada Hargeysa ayaa MAANTA laga dhagax dhigay Biriish cusub oo loogu magac daray Mujaahid Aadan Cade.

Biriishkaas ayaa waxa hirgelintiisa iska kaashan doona dawlada hoose ee caasimada Hargeysa iyo bulshada ku nool degmadaas, kaas qorshuhu yahay inuu ku dhammaado muddo bil ah.

Sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Axmed Dhagax Maxamed Daa’uud Cige, oo goobtii dhagax dhiga biriijkaasi ka hadlayay.

Xubno ka tirsan golaha degaanka caasimada Hargeysa iyo masuuliyiin kale oo halkaas ka hadlay ayaa bogaadiyay sida bulshada degmadaas ku dhaqani ay ula shaqeeyaan maaulka degmadaas hogaamiya.

Geesta kale qaar ka mida bulshada ku nool degmada Axmed Dhagax  ayaa soo dhaweeyay dhagax dhiga biriishkaas, waxaanay u mahadceliyeen cidkasta oo ka qayb qaadatay, iyagoo intaas ku daray in bariishkaasi yahay mid ay u baahnaayeen.

Ugu dambayn maayar ku-xigeenka caasimada Hargeysa Khadar Axmed Cumar ayaa sheegay in talaabadani ka mid tahay dadaalada dawlada hoose ee caasimadu ugu jirto horumarinta caasimada.

Waxaanu intaa ku daray ay ka shaqayn doonaan sidii shaqada bariishkaasi u noqon lahayd mid si hab-sami ah u socota.

 

News Related