Gabileynewsonline.com
Maayarka Buuhoodle Oo Lagu Soo Dhaweeyay Widh-widh
November 7, 2021 - Written by admin

Maayarka degmadda Buuhoodle Khadiija Axmed Aadan, ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay degmadda Widh-widh.

Waxaana soo dhawaynta maayarka si weyn uga qayb qaatay qaybaha kala duwan ee bulshadda degmadda Widh-widh, oo aan u kala hadhin aoo dhawaynta maayarka.

Maayar Khadiija, waxaa safarkaasi ku wehelinayay xoghayaha dawladda hoose ee Buuhoodle, iyo xubno ka mid ah golaha deegaanka Buuhoodle.

Iyadoo maayarku muddooyinkan ba hawlo shaqo u joogta caasimadda Hargaysa ayay maantadib ugu laabatay degmadda Widh-widh oo xarun u ah golaha deegaanka Buuhoodle oo ay si ku meel gaadh ah ugu shaqeeyaan.

Geesta kale maayar Khadiija Axmed Aadan, ayaa bulshadda degmadda Widh-widh uga mahad celisay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen.

Waxaanay maayar Khadiija balan qaaday in ay sii xoojin doonto hawlaha waxqabadka iyo mashaariicda horumarka ah.

 

COMMENTS
Latest News