Published:

Shirkadaha ugu waaweyn ee ka jira Somaliland ee soo dejiya Gaasta cuntadda lagu karsado ayaa shaaciyay in ay kordhiyeen qiimihii ay ku iibin jireen Gaasta ay soo dejiyaan.

Kor u kacaasi ku yimid qiimaha Gaasta ayay ku sababeeyeen shirkadahaasi in qiimaha Gaastu iyo shiidaalkuba uu dunidda oo dhan kor u kacay, sidaas darteedna ay iayguna kordhiyeen.

Masuuliyiin ka tirsan shirkadahaasi kala ah Hass Gas, Som Gas, iyo Uni Gas,  oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa waxay sheegeen in ay macaamiishoodda ku wargelinayaan in qiimihii hore ay ugaga iibin jireen kordhay.

 

DAAWO: Shirka Jaraa’id Ee Masuuliyiinta Shirkadahaasi:

 

 

News Related