Published:

Agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga mudXamse Xaamuud Guuleed, ayaa soo bandhigay tallaabooyin ay xukuumada Somaliland hoos ugu dhigayso kor u kaca ku yimid qiimaha ku shidaalka.

Waxaanu ku wargeliyay isuduwayaasha gobollada dalka in arrintaasi ay fiiro gaarka u yeeshaan, isla markaana isha ku hayaan ciddii baalmarta go’aankaasi ka soo baxay wasaaradda ganacsiga.

Xamse Xaamuud, oo arrimahaasi ka hadlay waxa uu yidhi,“Shidaalka marka aan ka hadlo waa laba qaybood, haddii ay naafato noqoto iyo haddii ay batrool noqotaba.

Batroolku marka uu haamaha ka soo baxayo waxa ay kaga soo baxaysa 156 doollar, gaadiid waxa u saaran afar dollar, faa’idada batroolka ugu jirta waxa weeyi todoba dollar iyo badh, haamaha marka Kaalmaha shidaalka la keeno isugeyn waxa uu noqonaya 167.5-dollar.

Taasi oo 1-ka litir yahay 84 cent, shilinka Somaliland-na waxa uu noqonayaa todoba kun iyo boqol iyo sagaal iyo toban, kaasi waa batroolkii”.

“Naafatadu haamaha waxa ay kaga soo baxaysa halka foosto 137.2-dollar, gaadiid ama basraac waxaa ay wasaaraddu qiimaysay , faa’iidada u saran waxa weeyi 7 dollar, isugeyn marka la iibinayo shidaalku waxa uu suuqa ku yaala 147.7-dollar, taasi oo halka litir yahay 0.74 shillinka Somaliland-na noqonaysa ugu badnaan 6200 oo shilin.

Sidaasi darteed waxa lagu wargelinaya isu-duwayaasha gobollada dalka inay arrinkaasi u qabsoomaan, kuna tallaabsadaan” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga

 

News Related