Gabileynewsonline.com
“Biyo deg deg ah ayay u baahan yihiin in loo soo daayo…”
April 23, 2022 - Written by admin

):Xubno ka tirsan guddiga abaaraha ee gobolka Sool ayaa maanta gaadhay degmadda Xudun oo ka tirsan gobolka Sool.

U jeedadda safarka ay xubnaha guddiga abaaraha Sool ku tegeen Xudun iyo deegaamadda hoos yimaadda ayaa la xidhiidhay sidii ay xog ogaal ugu noqon lahaayeen xaaladaha abaarta iyo biyo la’aanta.

Xubnaha ka socday guddiga abaaraha heer gobol ee Sool waxaa hogaaminayay badhasaab ku-xigeenka Sool.

Waxaanay kulamo la yeesheen maamulka degmadda Xudun, xubnaha golaha deegaanka degmadaasi iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda Xudun.

Maayarka degmadda Xudun Faarax Cali Ibraahim, oo warbixin la xidhiidha xaaladaha abaarta iyo biyo la’aanta ayaa ugu baaqay guddiga abaaraha qaranka Somaliland iyo kuwa heer gobol ee Sool in biyo deg deg ah lala soo gaadho bulshadda.

Waxaanu sheegay maayarka Xudun in guddiga abaaraha gobolka Sool ay si fiican ula shaqeeyeen,isla markaana ay soo gaadhsiiyeen wixii caawimooyin ah.

Hase yeeshee, maayarka degmadda Xudun, ayaa xusay in ay kala bateen wixii la hayay iyo ummada meesha joogta.

 

COMMENTS
Latest News