Gabileynewsonline.com
Guddiga Qandaraasyadda Oo Kormeeray Mashaariic Ka Socda Gabiley
April 24, 2022 - Written by admin

Guddoomiyaha guddiga qandaraaayadda qaranka Somaliland oo ay wehelinayeen masuuliyiin guddigaasi ka tirsan ayaa maanta kormeerro ku tegay gobolada Gabiley iyo Awdal.
Waxaanay guddoomiyaha xubnaha la socday soo kormeereen dhismeyaasha mashaariicda horumarineed ay xukuumadda Somaliland ka waddo labadaasi gobol.
Weftiga guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranku markii ay gaadheen Gabiley, waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay badhasaabka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, iyo masuuliyiin kale.

Waxaanay guddoomiyaha qandaraasyadda iyo badhasaabka Gabiley wada jir u soo kormeereen saddex mashruuc ooa ka socda magaaladda Gabiley oo uu ay ka mid yihiin dhismaha xarunta Xeer ilaalinta gobolka Gabiley.
Kaasoo uu hadda dhismihiisu socday muddo bil ah, isla markaana ku dhaw dhamaad.

 

COMMENTS
Latest News