Gabileynewsonline.com
Madaxweyne Biixi oo Dowladda Kenya Ka Tacsiyadeeyay Geerida Mwai Kibaki
April 24, 2022 - Written by admin
    

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa tacsi u diray dowladda Kenya isaga oo ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Mwai Kibaki.

Mwai Kibaki, ayaa ku geeriyooday da’da 90-sano, waxaana lagu xasuusan doonaa inuu ahaa dhaqaale yahan aad u xeel dheer oo dalka u horseeday dhabaha kobaca dhaqaalaha.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay inuu aad uga xun yahay geerida ku timid Mwai Kibaki, Madaxweynihii hore ee Kenya.

Wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Shacabka iyo Dowladda Kenya, iyo qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Madaxweyne Emilio Mwai Kibaki.

COMMENTS
Latest News