Published:

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa waxaa uu maanta kulan la yeeshay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa.

Kulankan oo ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha, ayaa waxaa diirada lagu saaray dardar gelinta wejiga labaad ee Suuqa Waaheen, iyada oo la bilaabayo Nadiifinta Suuqa iyo socodsiinta hawlaha kale ee baahaxada leh, taasoo ay ku jirto naqshadaynta Suuqa Waaheen, kaasoo loo xilsaaray Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland, sida lagu sheegay War-saxafaadeed ka soo baxay wasaaradda oo lagu baahiyay barta ay ku leedahay Facebook.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka waramay in dhibaatada ka dhacday Suuqa Waaheen ay tahay masuuliyad Wadareed wada saaraan Xukuumadda, Dowladda Hoose iyo shacabka Somaliland, waxaa keli ah ee lagaga bixi karaana ay tahay midnimo iyo isku duubni,iyada oo aan la is eedaynayn, cid gaarina aanay qaadanayn masuuliyada.

Wasiirka, ayaa Xildhibaanada u sheegay in ay hawshan si dhow uga wada shaqaynayaan Dawladda Hoose, Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha.

Golaha Degaanka ee Caasimada Hargeysa, waxaa hogaaminayey Maayir Caasimada Cabdikariim Axmed Mooge oo ay wehelinayeen Maayir Ku  xigeenka iyo Xogyaha Fulinta ee dowladda Hoose.

Dhinaca kale, Waxaa kulankan Wasiirka kala qayb galay Wasiir ku xigeenka Maamulka Gobolada iyo Dowladaha Hoose Naasir Caydiid Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdirashiid Xirsi Cali, Agaasimaha Guud ee Amniga Ibraahim Cali Ismaaciil, Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Maxamed Cilmi iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Arimaha Gudaha.

Muddooyinkii u danbeeyey, waxa warbaahinta laga arkay in uu jiro khilaaf dhanka maamulka oo u dhaxeeya wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dowladda Hoose, waxaana khilaafkaasi soo baxay markii mid ka mid ah xildhibaannada dowladda Hoose uu sheegay in shaqadoodii ay wasaraddaasi faragelin ku hayso.

 

News Related