Published:

Waxaa xalay wakhti dambe lagu guuleystay daminta dab xooggan oo ka kacay goobo ganacsi oo ku yaala Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kasoo geystay khasaare badan.

Dabka oo muddo dhowr saacadood ah socday ayaa si weyn ugu faafay goobaha ganacsiga ee ku yaala Isgoyska Banaadir, walow dadaalo badan oo ay sameyeen shaqaalaha gurmadka deg dega ah ay u suurta gashay iney damiyaan dabka.

 

Dab damis kala duwan iyo ciidamada amaanka oo gaadhay goobta oo dabka kacay oo inta badan ay ku yaalaan xarumo ganacsi oo u badan Dukaano, Carwooyin iyo Makiinado lagu shiido Saliid Macsarada.

Cabdiqani Dhaloole oo ah agaasimaha gurmadka deg dega ah ee gobalka Banaadir ayaa sheegay in dabka uu sababay dhaawacyo soo gaadhay qaar ka mid ah shaqaalaha dab damiska.

“Qaar ka mid ah shaqaalihii ku mashquulsanaa inay dabka damiyaan ayaa dhaawacyo kala duwan oo fudfudud ay soo gaadheen waana dhaawac la maareyn karo oo ma aha wax culeys keeni kara” ayuu yidhi Cabdiqani Dhaloole.

Xaawo Axmed waxay ka mid aheyd dadka ganacsiga ku lahaa suuqa gubtay waxayna sheegtay in hantidii halkaasi u taalay ay wax yar uga badbaaday.
“Wax yar oo aan waxbo ahayn, dhar yar ayaan hadda meel geynay oo kaga nimid , waana calalo yaryar oo meeshan hore yaallay gudaha lamaba galin waa basbeelay” ayay tidhi Xaawo Axmed.
Wali lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabka kacay, hayeeshee shaqaalaha gurmadka deg dega iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay wadaan baadhitaan ku aadan baaxadda khasaaraha ka dhashay dabka iyo waxa sababay, islamarkaana dib ay kasoo sheegi doonaan.

News Related