Published:

): Guddoomiyaha golaha Shacabka dawladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magacaabay xubnaha golahaasi uga mid noqonaya guddiga qaban qaabadda doorashadda madaxweynaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo shir guddoomiyay kulanka guud ee Golaha Shacabka oo ay weheliyaan labadiisa ku-xigeen ayaa soo saaray 8 ka mid ah 11-ka xubnood ee Golaha Shacabka uga mid noqonaya Guddiga Qabanqaabada doorashada madaxweynaha JFS.


Xubnahan uu sheikh Aadan Madoobe, magacaabay waxay magacyadooda kala yihiin:
1-Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamed.
2-Xildhibaan Cali Xaaji Daahir.
3-Xildhibaan Nuura Mustaf Mukhtaar.
4-Xildhibaan Maxamed Axmed (Beerey)
5-Xildhibaan Maxamed Ibrahim Mucalimuu.
6-Xildhibaan Abdiwahab Abdi Omar (Ananuug)
7-Xildhibaan Cumar yuusuf Khaalib.
8-Xildhibaan Fardowsa Maxamed Cigaal.
Geesta kale guddomiye Madoobe, ayaa sheegay in 3 xubnood ee hadhsan saacadaha soo socda lagu soo dari doono si loo dhameystiro xubnaha gudiga maanta la magacaabay.
Waxa kaloo uu xusay sheikh Aadan Madoobe, in maanta wixii ka dambeeya aanu jiri doonin is qab-qabsi danbe, isla markaana ay golaha fadhiisan doonaan xildhibaanadda saxda ah.

DAAWO: Guddoomiye Aadan Madoobe Oo Arrimahaa Ka Hadlaya:

Dhinaca kale guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa magacaabay xubnaha uga mid noqonaya guddiga isku dhafka ah ee ka shaqaynaya doorashada Madaxweynaha JFS.

DAAWO: Cabdi Xaashi Oo Magacaabistaasi ka Hadlaya:

News Related