Published:

“Waxaan Ku Talinaynaa In Aan La Burburin Tacabkii Sommaliland Soo Dhisaysay Mudada 20Sano Ah, Iyo Samcada Ay Ka Dhaxashay Doorashooyinka”Marwo Kaltuun Sheikh Xasan.

Komishaneer kaltuun sheikh xasan cabdi madar oo kamid ah xubnaha komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa ku gacan saydhay gudi uu madaxwaynaha Somaliland laba cisho ka hor umagacaabay in ay kazoo talo bixiyaan khilaaf dhinaca maamulka oo u dhexeeya gudida doorashooyinka jsl kadib markii ay dhawaan xilka ka qaadeen cabdirashiid riyo raac shan xubnood oo kamid ah gudoomiyaha komishanka qaranka udoorteed marwo kaltuun sheikh xasan cabdi madar oo iyada ah. Iyadoo diidmada gudida madaxwaynuhu magacaabay ku sobobay in aanay dhex ahayn islamarkaana aanu jirin khilaaf maaliyadeed balse gudoomihii hore ku tagri faray awoodii masuuliyadeed ee komishanka kuna kacay musuq maasuq.

 

Sidoo kale marwo kaltuun ayaa  eedo culus ujeedisay cabdirashiid riyo raac Gudoomiyihii hore ee komishanka.

Dhanka kale komishaneer Kaltuun Sheikh Xasan Ayaa ka digtay in la burburiya tacabkii Somaliland oo dhisaysay mudada 20sano ah iyo samcada ay ka dhashay doorashooyinka iyadoo cadaysay in komishanku diyaariyeen diwaangalinta muwaadiniinta iyo qorshihii qabsoomida doorashada madaxtooyada iyo ta ururada siyaasada oo labada lagu wado in ay qabsoomaan dabayaaqada sanadka 2022.

Marwo kaltuun ayaa dhanka kale fariin toos ah udirtay madaxwaynaha Somaliland oo ay sheegtay in ay diyaar uyihiin ay wada shaqeeyaan islamarkaana ay fulinayaan balantii madaxwaynaha ee ahayd hirgalinta doorashooyinka

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

News Related