Published:

Maayarka degmadda Laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil, ayaa Fariin u diray guud ahaan shacabka magaaladaasi si looga Taxadaro khatar walba oo ka dhalan karta biyaha Roobabka.


Waxaanu maayarku soo kormeeray qaybo ka mid ah xaafadaha Laascaanood oo uu saameeyay Daaddadkii Roobkii ka da’ay magaaladu ay ku yeesheen suuqyadda iyo ganacsiga magaaladda.
Maayar Cabdiraxiin, waxa uu soo indho indheeyay xaaladaha guud ee xaafadaha magaaladda Laascaanood ee ay ku fataheen biyaha roobka.


Xaafadahaasi oo intoodda badan xaafadahaasi magaaladda ay ka hawl-gelayeen ciidamadda Dab-damiska oo biyaha Daadka ah ee guryaha iyo meheradaha galay ka saarayay.

News Related