Published:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu shaqada ka joojiyey wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, laga billaabo maanta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa go’aankan sabab uga dhigay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay fasaxday markab siday dhuxul si sharci darro ah looga dhoofiyay Soomaaliya oo ku xirnaa xeebaha dalka Cummaan.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu sidoo kale baabi’iyay warqadaha Wasaaradda ee lagu fasaxay markabka, maadaama, buu yiri, ay khilaafsan yihiin shuruucda qaranka iyo kuwa caalamiga ah halisna ku yihiin dalka.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha ayaa faray xafiiska Hantidhowraha Qaranka iyo Hay’adaha amniga in ay baaritaan ku sameeyaan arrintan iyo sidii ay dhacday, ayna u gudbiyaan hay’daha garsoorka ee ku shaqada leh.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo sidoo kale Rooble warqad uu soo saaray 14-kii bishan, uu ku baabi’iyey dhammaan shaqaalaha dowladda ee wasiirka uu beddelay ama shaqada ka qaaday laga billaabo Janaayo 1, 2022, taasi oo uu sheegay inaysan waafaqsaneyn go’aankii Golaha Wasiirrada.

“Waxaa la farayaa Wasiirka in dhammaan shaqaalahaas dib loogu fasaxo hawlahooda shaqo, dibna loogu celiyo goobihii iyo xafiisyadii ay ka shaqaynayeen si ay u gutaan wajibaadkooda shaqo,” ayaa lagu yiri warqaddaas.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdisaciid Muuse ayaan si deg deg ah loo helin karin si uu uga jawaabo tallaabada ra’iisul wasaaraha iyo eedaha loo jeediyey.

News Related