Gabileynewsonline.com
Somaliland oo Xabsiga Dhigtay Nin Eedaymo U Jeediyay Madaxweynaha Jabuuti
May 21, 2022 - Written by admin
Aarre-Sulayman-Cowleed-iyo-Ismaaciil Cumar Geelle

Muwaadin u dhashay dalka Jabuuti oo la sheegay in uu dhaliilo u jeediyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa xukuumadda Somaliland ku xidhay magaalada Gabiley.

Ninkan oo lagu magacaabo Aarre Sulayman Cowleed, oo muuqaal qarsoodi ah iskaga soo duubay gudaha saldhiga booliiska ee Gabiley, ayaa sheegay in aanu garanayn, sababta ay xukuumadda Somaliland u soo xidhay, islamarkaana uu ka baqanayo in loo gacan galiyo dowlada Jabuuti.

Aarre, ayaa waxaa uu ka dalbaday dadka reer Somaliland ee ay hooyadii ka soo jeedo in ay ka fal celiyaan xadhigiisa, waxaanu ka codsaday in aanay dowladoodu u gacan gelin Jabuuti.

Aarre Sulayman Cowleed, ayaa la sheegay inuu caan ku ahaa inuu Baraha Bulshada ku dhaliilo madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Muuqaal uu Aarre soo duubay intii aan la xidhin kahor, ayaa waxaa uu sheegay in dowlada Jabuuti ay Somaliland ka codsatay in la aamusiiyo, oo aanu mar danbe Somaliland gudaheeda ka soo dhaliilin madaxda Jabuuti .

Warar ay heshay Shabakada Hargeisapress, ayaa waxaa ay sheegayaan in xukuumadda Somaliland ay qorshaynayso in Aarre Sulayman Cowleed ay u gacan geliso dowlada Jabuuti si halkaa loogu maxkamadeeyo.

Hay’adda xuquuqul insaanka ee Somaliland, ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqday inay ka fogaato ku xadgudubka Aarre Sulayman Cowleed, waxayna hay’addu ka digtay in Jabuuti loo gacan geliyo.

Xukuumadda Somaliland, ayaan weli si rasmi ah uga hadlin xadhiga Aarre Sulayman Cowleed oo ah Muwaadin u dhashay dalka Jabuuti.

COMMENTS
Latest News