Gabileynewsonline.com
“Waan ku amaanayaa wasaaradda iyo xukuumada ba waana…”
May 11, 2022 - Written by admin

Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland C/rasaaq Khaliif Axmed, ayaa xukuumadda madaxweyne Biixi ku bogaadiyay in ay samaysay goobo lagu barto dastuurka dalka iyo waddaniyadda.

Waxaanu sheegay guddomiyuhu in arrintaasi ay tahay tallaabo hore loo qaaday in dhalinyaradda iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda la barro dastuurka iyo shuruucda kale ee dalku leeyahay.

C/rasaaq Khaliif Axmed, oo maanta hadal ka jeediyay munaasibad uu madaxweynaha Somaliland shahaadooyin ku guddoonsiinayay 3000 oo arday oo bartay dastuurka iyo waddaniyadda.

Kuwaasoo ay gacanta ku haysay mudadii ay baranayeen wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland.

DAAWO: Guddoomiye Khaliif Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

COMMENTS
Latest News